Dowladda Federaalka, AFRICOM, AMISOM & Maamulka Wanlaweyn oo kawada hadlay Amniga Degmadaas.

Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay kulan looga hadlay amniga Degmadaas waxaana ka qaybgalay Guddoomiyaha Magaaladaas, Saraakiil ka kala socotay Dowladda Federaalka, howlgalka Mareykanka ee AFRICOM & AMISOM.

Wanlaweyn waxa ay muhiim u tahay isu socodka Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dhowr jeer ka dhacay isku dhacyo sababay dhimasho & dhaawac oo dhexmaray Maleeshiyo beeleed.

Guddoomiyaha Wanlaweyn waxa uu saraakiisha Soomaalida & Ajaanibta ah kala hadlay sidii maamulkiisa ay uga gacansiin lahaayeen qorshaha lagu sugayo ammaanka Degmada oo duruufo kala duwan lasoo dersay.

Saraakiisha Ciidamada wadajirka u shaqeeya ee DANAB & Mareykanka ayaa dhankooda soo bandhigay kaalinta ay ka qaadan karaan qorshaha sugidda Amniga iyo la shaqeynta maamulka Degmada Wanlaweyn.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu martilgeliyay kulamo looga hadlay Amniga, kulan kan lamid ah waxa uu maalmo kahor ka dhacay Degmada Baraawe oo ah Xarunta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com