Masar iyo Algeria oo taageero u muujiyay Madaxweynaha Tunisia

Madaxtooyada Masar waxay ay sheegtay inuu Madaxweyne C/Fataax Al-Sisi ku raacay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Algeria, Ramtane Lamamra in taageero buuxda laga siiyo Madaxweynaha dalka Tunisia, Qays Saciid Xiisadda Siyaasadeed ee ka aloosan Tunisia.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar, Axmed Xaafid waxa uu sheegay inay Masar si dhow ula socon doonto Dhacdooyinka ku soo kordha Arrimaha dalka Tunisia.

Dalka Tunisia ayaa waxaa xilligan ka taagan khalalaaso Siyaasadeed, iyada oo ay isha ku wada haayaan wadamada Caalamka, gaar ahan kuwa taageerada siiya dowladda Tunisia.