Dowladda Jabuuti oo si adag uga hadashay rabshado ka dhacay Caasimadda dalkaas

Dowlada Jabuuti ayaa si adag uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jibuuti kuwas oo u dhexeeyay Qoomiyadaha walaalaha ah ee waada daga Jabuuti oo ah Soomaalida iyo Canfarta.
Wararka ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshadahaas kuwa kalana ku dhaawacmeen inkasta oo aan ilaa iyo hadda la caddeyn tirada dadka ku dhintay isku dhacyadaas.Balse dadka wax soo gaareen ayaa la sheegaya ainay shacab yihiin.

Sido kale waxaa jira guryo la guubay,booliska iyo ciidamada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jibuuti ayaa dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryay suntan dadka ilmada ka keenta.
Dadka ayaa booliska ku tuurayay dhagaxaan iyo waxyaabo kale
Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlayayay ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah casaimadda isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jibuuti.
Wuxuu sheegay in arrin halis ah ay ka dhacday Jibuuti kadib markii dadku ay gubeen Aqallo dda shacab ah ay lahaayen.
“Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la’ gubo arrinka aarrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha” ayuu yiri wasiir Saciid Nuux Xasan.
Muuqaallo laga soo duubay shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Jabuui ayaa la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray kadib markii guryo dab la qabadsiiyay.
Qaara ka mid ah dadweynaha reer Jibuuti ayaa sheegay in ay ka xunyihiin isku dhacyada u dhaxeeya qoomiyadaha Canfarta iyo Soomaalida ee dalka wada dago iyagoo ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay door bidaan dajinta xiisadda halkii ay sii hurin lahaayen.
Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan ayaa baaq u diray dadka reer jabuui gaarahaann waalidiinta isagoo intaa ku daray in wiixi maanta ka dambeeya ay dowladdu gacan adag ku qaban doonto dadka ku dhiirada rabshadahan oo kale.
“Waxaan leeyahay waalidiinta inay fidnada dhagaxtuurka ka bilaamaya oo aan carruur ku koobneyn ee lagu daba jiro,waxaan ku wargelinayaa inay carruutooda ka adkaadaan sababtoo ah dowladdu wixii manata ka dambeeya fara adag ayay ku qabanaysaa arrinka adowladdu”.