Dowlada oo cambaareysay bur burinta ciidamada Kenya ku hayaan Xarumaha Shirkada Hormuud.

Jubbada Hoose-Afmadow  Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Jaldeys ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhacdadan ka hadlayay ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo weerarrada soo noqnoqdey ee lala beegsanayo Isgaarsiinta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan ugu dambeeyey uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha shacabka deegaanada ku xeeran degmada Afmadow.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com