Dowladda oo sheegtay tallaabo inay ka qaadeyso Isbitaal Turki maamusho oo Muqdisho ku yaal

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso Isbitaalka Yardemili oo ay maamusho Hay,ad laga leeyahay dalka Turkiga.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliya, ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay qaadeyso tallaabo haddii aanan loo hogaansamin shuruucda Wasaaradda u taallo.

“Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com