Kooxo hubaysan oo dil ka gaystay Muqdisho

Dabley hubaysan ayaa waxa ay dil ka gaysteen Magaalada Muqdisho, waxaana ay beegsadeen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Askariga la dilay ayaa waxaa uu ka tirsanaay Ciidamada Militariga Somaliya, waxaana dilka uu ka dhacay Isgoyska Siinaay ee u dhaxeeya Boondheere & Warta Nabadda.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa halkaasi isaga baxsadeen, waxaana xilli dambe goobta soo gaaray Ciidamada Booliska.

Isgoyska Siinaay, ayaa todobaadyo ka hor sidaan oo kale loogu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo fadhiyay meesha wadada ay ka xiran tahay.

Amniyaadka Shabaab ayaa dilal qorsheysan u gaysta Ciidamada dowladda xilliyada ay mashquulsan yihiin oo si gaadmo ay ku dilaan.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com