Dad ku dhintay fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad geysatay khasaaro naf iyo maalba leh waxaa saacadihii la soo dhaafay uu ka sameeyey Degmada qalaafo oo ka tirsan Gobalka Shabeelle ee Dowlad Deeganka Soomaalida Itoobiya.

Inta la xaqiijiyey fatahaada Wabiga ayaa waxaa ku geeriyootay Afar Ruux halka sida la sheegay uu la tegay Matooro farabadan oo dadka ay markii hore Beeraha ku waraabsan jireen sidoo kale uu baabi’iyay dalagyo farabadan oo ku abuurnaa Beero ku yaalla degmada Qalaafe iyo tuulooyin hoostaga.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Boqolaal qoys oo deganaa jiinka Wabiga Shabeelle ee degmada Qalaafe ay isaga barakacaan,iyaga oo ka cabsi qaba in uu waxyeelo u geysto fatahaada uu sameynayo Wabiga.

Dadka degmada Qalaafe qaarkood ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay ka cabsi qabaan in khasaaraha uu intaasi ka bato maadaama roob uu halkaasi ka da’ayo Wabigana uu yahay mid aad u buux dhaafiyey,waxaana sidoo kale ay sheegeen in dadkii fatahaada ka barakacay ay heysato xaalad nolol xumo oo aad u liidato.