Turkiga oo Imaaraadka ku eedeeyay inuu taageero Al- shabaab

Dowlada Turkiga ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ku eedeeysay in ay taageerto ururka Alshabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, iyo kooxaha argagixisada ah ee ka dhisan Dalka Yemen.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga Hami Aksoy ayaa warbaahinta u sheegay in Dawladda Imaaraadku ay taageerto kooxo Argagixiso ah gaar ahaan dagaalamayaasha Al-shabaab, isagoo yiri arrintaasi maaha mid qarsoon, sidaasi ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee dowladda Turkiga.

Sidoo kale dowladda turkiga ma sheegin qaabka ay imaaraadka carabta u taageeraan dagaalamayaasha Alshabaab iyo maleeshiyaadka kale ee dagaalama dalka Yemen.

Dhanka kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowladda imaaraadka carabta, taasi oo ku aadan in ay taagero siiyaan kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama dalalka soomaaliy iyo Yemen.