Dowladda oo soo saartay digiin ku socota Shacabka Soomaaliyeed

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu digtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool hareeraha labada webi ee  jubba iyo shabeelle cabsida laga qabo, Roobab, Hirar, fatahaado iyo dabeylo la filayo in ay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah dalka, iyaddoo sidoo kale Wasaaradda  u sheegeysa bulshada tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan, si looga feejignaado halisyada laga cabsi qabo.

 

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Gargaarka.

Roobab, Hirar iyo Dabeylo ayaa la filayaa in ay ku soo wajahanyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa in ay ka da’idoonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka.

Sidoo kaleRoobab ka da’aya buuralayda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasi oo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiga sida Jowhar iyo Baladweyne.

Heer cabbirka Webiga Shabeelle ee uu hadda marayo ayaa saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhex.

Degmada Afgooye oo ay dhawaan saameeyeen roobabkii xagaaga ee aan horey uga dignay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay mar labaad saameyn ku yeeshaan roobabka la filayo in ay da’aan toddobada cisho ee soo socta, iyadoo wabigu horey u buuxay.

Mowjadaha iyo Hirarka Badda: 7-12 Bisha Ogosto waxaa la saadaalinayaa in Mowjadaha Badda ay sara u kacayaan taas oo sababi karta in ay wax yeelo naf iyo maalba leh u gaysato dadka ku shaqeysta