Madaxweynaha Galmudug oo u dhoofay Dalka Turkiga Daawo +Sawiro

Madaxweynaha Maamulka  Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa Safar ugu amba baxay maanta Dalka Turkiga.

Madaxweyne Qoor Qoor Inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade Magaalada Muqdisho , ayaa  shir jaraa’id oo uu  qabtay kaga waramay arrimo badan, waxa uuna sheegay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweyne Qoor Qoor  ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowlad goboleedyada doorkii ka qaateen qabsoomida shirarkii hore isagoona ku baaqay in shirka 15 bishaan Agoosto laga soo qeyb-galo waxa uu rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is Afgarad.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com