Waqtiga Ciidanka Amisom ay ka baxayaan Somaaliya oo la Xadiday

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo shalay Khudbad ka jeediyay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee Somaaliya Partnership Forum, ayaa ka hadlay wakhtiga rasmia ah ee uu ku egyahay Hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in uu socdo Qorshaha bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, si Amniga guud ee dalka loogu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya, kadib markii uu dhammaado wakhtiga joogitaanka AMISOM.
Madeira ayaa tilmaamay, in sannadka soo socda ee 2021ay inta badan Ciidamada AMISOM ka bixi doonaan Soomaaliya, si Amniga dalka loogu diyaariyo Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, kuwaas oo ugu dambayn AMISOM kala wareegi doona Amniga guud ee Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxu sheegay in Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay Soomaaliya si rasmiya uga bixi doonaan sannadka 2022, halkaasna uu ku egyahay Hawlgalka AMISOM.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com