Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in cudurka Karoonaha uu sameeyay si gaar ah haweenka

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS, Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa khudbad ka jeedisay shirka sideedaad ee wasiirada Haweenka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Khudbadda Wasiir Xaniifa, ayaa waxay kaga hadashay sida cudurka Coronavirus u saameeyay haweenka Soomaaliyeed, horumarinta haweenka ka sameeyeen dhanka ka qeybgalka siyaasadda dalka iyo guud kaalinta haweenku ku leeyihiin horumarka Soomaaliya.

Shirka, waxaa kale oo ka qeybgalay, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, Ilyaas Sheekh Cumar, agaasimaha waaxda Jinsiga ee wasaaradda haweenka Sacdiya Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Masar mudane Cabdifitaax Alsisi ayaa soo xirey shirka sideedaad ee wasiirada haweenka ee Ururka IOC.