Dowladda Uganda oo taageero u balan qaaday Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiye Ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka  dowladda Ugandha Ambassador Mugisha, waxa ayna labada masuul ka wada hadlay adkeynta Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya  Soomaaliya iyo Ugandha.

Ambassador Mugisha oo ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey xafiiska Amniga ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aaney Soomaaliya ka tageerin oo kali ah dhinaca Milatariga iyo dagaalka  Al- Shabaab, balse ay taageero buuxda siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku howlan sugidda Amniga shacabka.

Mr. Mugisha ayaa intaa ku daray in xiriirka labada dal uu aad u wanaagsan yahay taasina ay saamaxdey in ay dalka Ugandha wax ka bartaan ku dhowaad lix kun oo arday oo ku jira  kulliyado kala duwan, waxaa kale oo uu sheegay iney xiriir wanaagsani ka dhexeeyo Ganacsatada labada dal, isagoo hoosta kan xariiqay iney dalka Ugandha ku nool yihiin ka badan 40 kun oo soomaali ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com