Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ku yaal Jubbada Hoose

Wararka naga soo gaaraya degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaa  ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Salshiga Ciidamada Kenya.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa dhowr madfac lagu weeraray Saldhiga, sidoo kalena uu jiray dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Saldhiga weeraray.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen Gudaha Saldhiga iyo Xaafadaha qaar balse aan sirasmi ah loo oegyn qasaaraha ka dhashay maadaama Ciidamada Kenya aysan ogolryn in loo dhawaado Salshigooda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya dhankooda ay madaafiic ugu jawaabeen Al-Shabaab, waxaana haatan degan xaalada degaanka hoosingow oo dhowr jeer ay weeraro ka dhaceen.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com