Booliska Cabudwaaq oo sheegay inay qabteen rag lagu tuhmayo inay dil geysteen

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay kusoo xireen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dil dhowaan loo geystey nin kamid ah xoogsatada magaalada Cabduwaaq.

Farxaan Xuseen Xasan taliyaha Saldhigga Booliska Cabudwaaq ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan ayna maalmaha soo socda u gudbin doonaan maxkamad, haddii dambi lagu waayana la sii deyn doono.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Cabudwaaq ka dhacay banaanbax loogaga dalbanayo in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka Odowaa Axmed oo kamid ah dadka caanka ka ah magaalada Cabudwaaq kana shaqeyn jirey dhismaha guryaha.

Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay uga dhacay dhowr dil, iyada oo qaarkood dadkii ka dambeeyay la qabtay halka kuwo kale ay weli Boolisla ku raad joogaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com