Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland oo Maanta xukun rideysa

Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland ayaa maanta magaalada Galkacyo uga dhawaaqeysa xukunkii ugu danbeeyey ee 18 Xubnood oo kamid ah Ururka Ar Al-Shabaab, kuwaas oo horey Maxkamadda darajada koowaad ugu xukuntey dil toogasho ah.
Sadexdi Asbuuc ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhageysiga Xukunkii Racfaan qaadashada,maanta ayaa Maxkamaddu shaacin doontaa go’aanka Maxkamadda sare.

Ilaa 7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka tageen magaalada Muqdisho ayaa u doodayey xukumanayaasha.
Amaanka Magaaladda Gaalkacyo guud ahaan ayaa aad loo adkeeyay, waxaana qeybta Waqooyi ee Magaalada lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Puntland oo Ammaanka

xaqiijinXafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.comaya.