Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Jowhar

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar  ee xaruunta  dowlad goboleedka  ee Hirshabelle.

U jeedada socdaalka Ergayga qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan uu ku tegayo magaalada Jowhar  ayaa waxaa ay qeyb ka tahay safaro uu ku tegayo xarumaha dowlad goboleedyada, islamarkaana uu kala hadlayo xalka gaarista muranka doorashooyinka.

Socdaalka James Swan ayaa ku soo beegmaya iyadoo  xaakhilaaf uu ka taagan yahay doorashada  Soomaaliya kadib markii lagu heshiin waayey fulinta ama hirgelinta heshiiskii 17 September lagu gaarey Muqdisho, waxaana mudadii sharciga ahayd ka dhamaadey goloyaasha baarlamaanka, halka Madaxweyne Farmaajo saacaddu dul taagan tahay oo ay u harsan yihiin maalmo qur ah.

.Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com