Faah Faahino ka soo baxaya Weerar khasaare dhaliyay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo loo adeegsaday Bam gacmed oo xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa ka dhacay bar-koontarool oo oo ku taala bartamaha degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose.

Ragga hubeysan ayaa bambo-gacmeed ku tuuray fariisin ciidamada Koofur Galbed a ay ku leeyihiin dhinaca galbeed ee degmada Wanlaweyn .

Inta la ogyahay  6 askari ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi loo adeegsaaday bamgacmeedka , Askartaas oo dhaawacooda  la dhigay goob caafimaad oo ku taalla isla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com