Muxuu Xildhibaan Mahad salaad ka yiri Gudiga Wadajirka ee ay soo magacaabeen Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland?

Soomaaliya ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa face buugga waxaa uu kaga hadlay gudigii wadajirka ahaa ee ay soo magacaabeen Maamulada Jubland iyo Puntland Gudigaasi oo u ku tilmaamay mid xilligii la rabay lagu soo aadiyay isaga oo sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista Gudigaasi .

Hoos ka Akhriso qoraalka Xildhibaan mahad salaad”

Taladu waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaari weydo. MW Farmaajo FAR WAAWEYN AYAA XALAY WAX LOOGU DHIGAY‼️

Magacaabista Gudiyada Doorashada iyo soo jeedinta shir in la isugu yimaado 30-ka bisha ee lagu sheegay war-murtiyeedka PL iyo JL waxay banaanka keentay talo xumida iyo tabar yarida MW Farmaajo. Waliba si kaloo wax loogu sheego inta la garan waayay ayaa sidiisii xalay saqdii dhaxe waraaq wiifto ah lagu dul yeeriyay  iyadoo waliba far waaweyn ku qoran. Sida muuqatana MW Farmaajo uma harin fursad aan ahayn in uu kala doorto maalinta shirka la qabanayo iyo muddada uu socon doono.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa walaalkaa maragga ku fur, magtana la bixi. Koley Madaxweynow maragtii lagugu fur oo taladii shalay ku seegtay walaalahaa ayaa maanta toosiyay ee ku dhaqso aqbalaada talada laguu soo jeediyay, dalka iyo dadkana waqti dambe haka luminin!

Hon. Mahad Salad

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com