Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka oo gaaray Gobolka Gedo

Wafdi uu Higaminayo Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ayna qayb ka yihiin Wasiirada Cadaalada iyo Warfaafinta ayaa gaaray gobolka Gedo.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa bulshada ku dhaqan Balad-xaawo ugu mahad celiyay sidii ay u garab istaageen ciidanka xoogga Dalka, isagoo u tacsiyeeyay qoysaskii ay waxyeellada kasoo gaadhay dagaalkii dhowaan halkaasi ka dhacay.

Wasiir , Xasan Xuseen Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in la dallacsiin doono saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in baaris lagu sameyn-doono duullaankii lagu soo qaaday Balad-xaawo, cid-walba oo ku lug yeelatana Caddaaladda la horkeeni doono.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo ka tacsiyeeyay qoysaskii iyo qaraabadii ay waxyeellada kasoo gaadhay weerarkii ay malleeshiyada C/rashiid Janan kusoo qaadeen Balad-xaawo, wuxuuna u mahad celiyay ciidankii ka jawaabay daan-daansiga cadowga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com