faafaahin: qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo ku taal degmada Wadajir.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa beegsaday dhalinyaro taagnaa Afaafka hore ee xerada, kuwaas oo loo qorayay Ciidannimo, isla markaana doonayay inay ku tababartaan Gudaha Xerada.

Wararka qaraxa laga helay ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxaas & kuwa ku dhaawacmay ay kor u dhaafayaan ilaa 20, kuwaas oo badankood ah dhalinyaro loo tababarayay leylo sarkaalnimo.

Ciidamada dowladda iyo dadka degan agagaarka Warshada ayaa gurmad u sameeynaya dadka ku waxyeeloobay qaraxa, waxaana dhamaan ay Ciidamada xireen wadooyinka gala Xerada iyo kuwa ka baxa.

Ilaa iyo hadda laamaha Amniga dowladda Soomaaliya wax faah faahin ah kama bixin qaraxaasi Ismiidaaminta ah, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com