Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Xaaladda caafimaad ee Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay ka  wanaagsan tahay  sidii hore , ka dib markii  waxyeelo ay ka soo gaaray qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxa, isla-markaana la dhigay Isbitaalka Digfeer.

Wararka ayaa sheegaya in waxyeelada ugu badan Macalimuu ay ka soo gaartay qeybaha dambe ee jirka, balse xaaladdiisu ay wanaagsan tahay, sida ay shaaciyeen dhaqaatiirka isbitaalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa sidoo kale looga hadlay weerarka la beegsaday Macallimuu, waxaana lagu sheegay in dhaawiciisa uusan aheyn mid halis ah.

Macalimuu ayaa dhawr jeer ka badbaaday Qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho oo Qaarkkood ismiidaamin ahaa.