Dil ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in degaanka Bacda ee Duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ku dishay Nin la sheegay in uu ahaa Darawal Gaari.

Ninka oo lagu Magacaabi jiray  Cabdi Humbul ayaa ka mid ahaa darawada mudada dheer ka shaqeynayay jidka isku xira Baladweyne iyo Matabaan, isla markaana uu wade la ahaa Gaari qaada Maalin walba jaad, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay baxsadeen.

Wararla helay ayaa sheegaya in dilkaasi uu la xiriiro aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano ka tirsan gobolka Hiiraam, waxaana la sheegay in Ciidamada dowladda ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horay uga dhacay dagaal Beeleedyo, iyada oo dhawaan heshiis la kala dhex-dhigay laba maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com