Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya oo maanta gaaray Jowhar ayaa soo dhaweeyay Gudigii ay Magacaabeen Puntland iyo Jubland

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maanta gaaray Magaalada Jowhar Halkaasna kula kulmay Madaxweynaha Hir shabeele Cali Guudlaawe ayaa soo dhaweeyay Gudigii ay magacaabeen Maamulada Puntland iyo Jubland kuwaas oo qayb ka noqonaya gudiga Heer Federaal ee doorashooyinka ugu matala maamluda puntland iyo Jubland.

Danjire James Swan, wuxu sidoo kale soo dhoweeyay baaqa ka soo baxay Puntland iyo Jubaland, oo ku saabsan in la qabto shir deg deg ah, oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga heshiiyo Arrimaha Doorashada.

Warkaan ka soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , ayaa ku soo aadaya ka dib xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo horjeesatay Guddiyada Arrimaha Doorashada ee ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland.

James Swan, wuxu sidoo kale maanta kulan ku saabsan khilaafka Doorashada magaalada Jowhar kula qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com