Faah faahin kasoo baxeysa Iska horimaad ka dhacay Kismaayo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka ka dhacay Iska horimaad u dhexeeyay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa amar qaata siyaasiga Cabdinaasir Seeraar.

Iska horimaadkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidanka Jubbaland ay rasaas ku fureen dad dhigayay banaanbax lagu taageerayay Cabdinaasir Seeraar, waxaana intaas kadib uu dagaal dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Cabdinaasir Seeraar.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegaya in mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos-goos ah oo dhaceysa, waxaana weli la ogeyn Khasaaraha ka dhashay rasaastii lagu furay daddkii dhigayay banaanbixii lagu taageerayay Cabdinaasir Seeraar.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com