Faah Faahino ka soo baxaya Dagaal ka dhacay Degmada Waajid ee gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha degmada Waajid.

Dad ku sugan gobolka Bakool ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dawlada Federaalka iyo ku Amisom ay ku lee yihiin gobolada Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com