Facbook oo xisbiyada Wadanka Norwey ka helay 9-million kr.

Oslo:-Xisbiyada waa weyn ee dalka Norwey oo ku jira loolanka doorashada dalka ayaa lacago malaayiin ah ku bixiyay sidii xayaysiino uga heli lahaayeen baraha bulshada gaar ahaan Facbook.

Shirkada Facbook-ayaa la xaqiijiyay in lacag ka badan 9.Million oo kr ka heshay qaar ka mid ah xisbiyada dalka si xayaysiino ugu sameeyaan.

Xisbiga shaqaalaha ee AP ayaa ah xisbiga ugu badan ee bixiyay lacagaha loogu sameynayo xayaysiinta.

In ka badan 3, 5 millioner krone ayuu bixiyay xisbiga shaqalaha intii u dhaxeeysay 30-jun ilaa iyo 4-september.

Sidoo kale xisbiyada kale ee dhaqalaha ku bixiyay waxaa ka mid ah Xisbiga FRP iyo kan kale ee Rødt.

Xisbiga Rødt ayaa ah kan ugu yar ee bixiyay lacagaha facbook-kaga macaashay xisbiyada dalka in uu xayaysiin u sameeyo mudada doorashada socoto.

Doorashada dalka Norwey ayaa hada ah mid gaba gabo ah waxaana 13-bishan soo bixi doona natiijada xisbiyada doorashada ku guuleysta.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com