Siyaasiyiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed oo kulan ku dhex maray Magaalada Oslo.

Oslo:-Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiinta Soomaalida ee sanadkan u sharaxan Baarlamaanka Norwey iyo qaar ka mid ah Soomaalida Oslo ayaa ahaa mid looga hadlayay doorka Soomaalida ku yeelan karaan doorashada Socota.

Siyaasiyiinta Soomaalida oo ay ka mid ahaayeen Maryan Abdi Hassan oo ka socotay Xisbiga SV iyo Faadumo Madar oo AP ka socotay ayaa Soomaalida la wadaagay waxqabadka ugu hereeya hadii ay xisbiyadooda oo ah kuwo is garabsanaya ku guuleystaan doorashada.

Waxaa inta kulanku socday sidoo kale dadweynihii ka soo qeyb galay su,aalo waydiinayeen Siyaasiyiintooda iyaga oo si gaar ah uga hadlayay dhibaatada Soomaalida xiligaan heysata iyo waxqabadkooda hadii doorashada ku guuleystaan.

Maryan Abdi Hassan iyo Fadumo Madar waxaa ay Soomaalida ka qanciyeen su,aal aheyd in ay horyimaadaan oo kali ah marka doorasho sidan oo kale ah bilaabato isla markana doorashada kadib jirin xiriir kale oo dhex mara iyaga iyo bulshada ay ka soo jeedaan iyaga oo sheegay ay xili walba diyaar u yihiin garab siinta bulshada ay ka dhasheen.

Kulankaan oo si aad ah loo soo qaban qaabiyay ayna dooda qurux badan isku dhaafsadeen Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Qaar ka mid ah bulshada ku Nool Caasimada Oslo ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Ururka Frifond oo ka mid ah Ururada ka howlgala dalka Norwey.

Mas,uuliyiin ka tirsan Ururka ayaa nooga waramay Ujeedada kulankaan u soo qaban qaabiyeen iyo aragtidooda jawaabihii uga soo baxay ayaa sheegay in wax wanaagsan ka soo baxeen kulanka loona baahan yahay in dalka oo dhan laga qabto kulamo noocaan oo kale ah.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com