Mas,uul ka tirsan FRP oo shuruud lacageed hordhigay 15-jir Soomaali ah si xijaabka isaga bixiso.

Oslo:-Warbaahinta ugu weyn dalka Norwey ayaa saacihii ugu dambeysay hadal hayay dhacdo dhex martay Gabar 15-jir Soomaali ah iyo Mas,uul ka tirsan Xisbiga FRP.

Gabadha oo lagu Magacaabo Faadumo ayaa u sheegtay TV2 in iyada oo la socota qaar ka mid ah ardeyda fasalkeeda la kulantay Mas,uulkan isla markaana dhex martay hadalo la xiriirta Xijaabka ay wadato.

Faadumo ayaa xustay in Mas,uulkaasi ugu baaqay in ay iska bixiso xijaabka si ay u dareento xurnimo iyada oo arintaasi dood ka keentay isla markana u sharaxday in xijaabka uu yahay rabitaankeeda iyo in diinteeda ku waajib yeelay.

Waxaana markii dambe ay sheegtay in uu u soo bandhigay lacag gaareysa 1000-kr qaadato isla markaana iska bixiso xijaabka si uu u arko timaheeda Quruxda badan.

Faadumo oo xiligaas ka duubtay doodii dhex martay ayaa la wadaagtay warbaahintada dalka Norwey.

Gudoomiyaha Xisbiga FRP oo ay la xiriireen warbahinta ayaa arintaas iska fogeysay iyada oo sheegtay in fikirkaasi uu yahay mid u gaar ah mas,uulkaas sida hadalka u dhigtay.

Qoraal oo markii dambe Mas,uulkaan soo dhigay bartisa facbook-ayuu ku sheegay in uu toos u leeyahay wax dad badan ku dhicin in ay yiraahdaan ee ah naceybka uu u qabo xijaabka .

Soomaali badan ayaa durba arintaan ka falceliyay waxaana ay garab istaag xoogan u muujiyeen faadumo oo ah gabar 15-jir ah.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com