Maamulka G/Hiiraan oo ku dhawaaqay inay Ciidamo u dirayaan maleeshiyaadka dagaalamaya

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Kabxanleey oo 40km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne.

Dagaalka oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed ayaa maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka dhacayay, waxaana la sheegay in dagaalkii Maanta ay ku geeriyoodeen ilaa 5 Ruux halka toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Ismaan Cali ayaa ugu baaqay labada dhinac ee dagaalamaya inay si shuruud la’aan ah ku joojiyan dagaalka.

Sheekh Xuseen oo Shir jaraa’id Warbahinta ugu qabtay Magaalada Beledweyne ayaa sidoo kale labada dhinac ka dalbaday in waxkasta oo tabasho ah ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka, si xal loo gaaro.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Maamulka Gobolka Hiiraan uusan aqbaley sii socoshada dagaalka, sidoo kalena ay diyaar u yihiin inay Ciidamo kala dhex-gala u diraan, waxaana uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka & waxgaradka Gobolka Hiiraan inay colaadaas ku baxaan.

Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed ayaa todobaadkii hore ku billowday dilal aargoiosi ah, hayeeshee todobaadkaan uu dhowr jeer ka dhacay degaanka kabxanleey ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan, waxaana ilaa iyo hadda jirin cid kala dhex-gashay labada dhinac ee dagaalamaya.