Maxaa kajira in Ciidamo dheerad ah la geeyay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Warar lagu faafinayay Baraha Bulshada ayaa sheegaya in ciidamo dheeri ah oo ka tirsan koofiya Casta la geeyay gudaha dhismaha wasaaradda warfaafinta.

Balse madaxtooyada ayaa dhanka kale sheegtay inaanay jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu “amray in shaqadiisa uu sii wato” Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.

Warsaxaafadeed uu soo soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu dhanka kale xilka uga joojiyay Fahad Yasin waxaa lagu yiri: “Markii (ra’iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay’adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir”.