Fahad Yaasiin oo xilkii loo magacaabay la wareegay

Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali.
Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go’an tahay horumarinta Amniga Qaranka.
Munaasabada uu Xilka kula wareegay Fahad yaasiin warbaahinta dibad joog ka ahayd mana jirin wax sawiro ama muuqaal ah oo laga qaaday Fahad Yaasiinta inta xaflada ay socotay
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com