Wasiir ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Xanibaad lagu Sameeyay

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa Magaalada Garowe ayaa gelinkii dambe ee maanta laga hor istaagay inay gudaha ugalaan Garowe.
Xilli ay marayeen Deegaanka Sinu jiif oo duleedka garowe ah ayey Ciidamada Puntland diideen iany gudaha ugalaan wafdiga Wasiirka.
Kollonyo gaadiid ah oo galbineysay Wasiirka ayaa kasoo ambabaxay magaalada dhahar ee Gobolka Haylaan balse waxaa daqiiqado kadib wafdigaasi loo ogolaaday inay galaan Magaalada Garowe.
Wasiir Jamaal ayaa caawa kulan su’aalo lagu weydiinayo waxa uu kaga qeyb geli doonaa Magaalada Garowe islamarkaana uu ka warbixin doonaa waxyaabaha uu qaban doono hadii mar kale uu kusoo baxo Xildhibaan golaha Shacabka Ah.
Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxaa oo ka hadlay is hortaagii galabta lagu sameeyey wasiir Jamaal ayaa yiri:
“Waayeelnimo, dulqaad iyo qaangaarnimo siyaasadeed halla muujo:
Wasiir Jamal Xasan waa inuu si xorriyad ah ugu dhex socaa Puntland, ololihiisana u wataa. Waa in Dawladda iyo dadka reer Puntland ka fogaadaan wax kasta oo xasaasiyad bulsho iyo mid siyaasadeed abuuri kara. Hadallada xanafta leh siyaasiyiintu waa inay ka fogaadaan oo kala damaynta iyo sharcigana ilaaliyaan.
Doorashadu way dhamaanaysaa, dadka iyo Puntland-se waa jirayaan, ee aan dhammaanteen isu-turro oo isu-tanaasullo

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com