Shabaab oo weerar Isqarxin ah ka geystay koofurta gobolka Mudug

shabaab ayaa la sheegay inay Abaarihii 6-dii iyo barkii subaxnimo ay weerar Is-miidaamin ku qaadeen Saldhiga Qeybta 21-aad ee Ciiddanka XDS ku leeyihiin duleedka Degmadda Bacaad-weyne ee Koonfurta Gobalka Mudug.

wararka ayaa  ayaa sheegaya in Weerarkaasi loo adeegsaday Gaari Miineysan oo noociisa lagu sheegay Gaariga ay Soomaalida u taqaano Layla Calaawi.

Dad Goobjoogayaal ah  ayaa sheegay in Gaariga lala beegsaday Kontoroolka Koowaad ee Saldhiga Qeybta 21-aad ee XDS ku leeyihiin duleedka Deegaanka la weeraray, isla markaana uu jiro Khasaaro ka dhashay Is-miidaamintaasi.

Guddoomiyaha Degmadda Bacaad-weyne, Axmed Daahir Macallim C/llaahi oo gaaray Saldhigga uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in 2 Askari oo ku sugnaa Barta Kontoroolka ku geeriyoodeen Qaraxaasi, halka dhowr Askarna ku dhaawacmeen.

Waa Weerarkii u horeeyey ee ay Alshabaab ka geystaan Xerooyinka Milliteri ee ku yaalla Koonfurta Gobalka Mudug, waxayna arrintan ku soo beegmaysaa iyadoo Taliska Qeybta 21-aad dhawaan sheegeen inay bilaabi doonaan Hawlgal ka dhan ah Alshabaab ku sugan Deegaanadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ee Bartamaha Somalia.