Trump oo sheegay in Soomaaliya aysan Dawlad ka jirin

Madaxweyne Donald Trump waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Isku-soo-bax tiro yar oo xalay ka dhacay magaalladda Tulsa ee Gobalka Oklahoma oo lagu taageerayey Ololihiisa Dib-u-doorashada Madaxtinimada Maraykanka ee dhici doonta bisha November ee sanadkan 2020-ka.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayey Isku-soo-bixii ugu horeeyey ee ku qabto Fagaare ku yaalla magaalladda Tulsa waxa uu Khudbadiisa culayska ku saaray Eedeyn uu u jeediyey Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka, wuxuuna dhowr jeer ku celceliyey inay doonayso inay Dowladda Maraykanka ka dhigto sida dalka ay ka soo jeedo ee ay ka timid oo ay ka soo qaxday, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Trump oo Caqabad Siyaasadeed u arka Xildhibaanad Ilhan Omar oo laga soo doortay Gobalka Minnesota waxa uu Khudbadiisa ku soo hadal-qaaday inay Ilhan Omar doonayso inay galangal badan ku yeelato Dowladda Joe Biden oo ah Murashax Xisbiga Dimuqraadiga ee xilka Madaxtinimada kula tartami doono Trump.

Dhinaca kale, Khudbada Trump waxa uu ku soo hadal-qaaday Arrimaha Somalia, wuxuuna afka ku ballaariyey inaysan Somalia ka jirin wax Dowlad ah.

Waxay doonaysaa inay ka dhigto Dowladda dalkeena sidii dalka ay ka timid ee Somalia, oo aysan ka jirin Dowlad, Nabad kama jirto,Boolis kama jiro. Waxba kama jiraan, Keliya Jahwareer iyo Amar la’aan. Haatan waxay doonaysaa inay noo sheegto halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya, waa mahadsan tahay” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dhinaca kale, Taageerayaashiisa tirada yaraa ee jibeysnaa ee ku sugnaa Fagaaraha uu ka khudbeynayey waxay si wadajir ah ugu dhawaaqayeen Hal-ku-dhegyo liddi ku ah Xildhibaan Ilhan Omar, gaar ahaan Oraahda ah : “Send her back” oo la micno ah “ Dib-u-celi Iyada”.

Shabakadda Warbaahinta Bulshadda ee Twitter waxay sheegtay inay Barteeda Bulshada ka saareen Qoraalo iyo Muuqaalo ka muuqaday Ficilo Cunsuriyad ah oo ay Taageerayaasha Donald Trump ku qoreen Barahooda Bulshadda, kuna cambaaraynayeen Xildhibaanad Ilhan Omar.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalada Trump ee xadguudbka ah waxay ku soo beegantay, iyadoo Ilhaan weli ku jirto Tacsida Aabaheeda oo dhawaan geeriyooday, waxayna Xildhibaanadda muddo badan oo ka mid ah Nolosheeda ahayd Muwaadin Maraykan.