25.6 C
Mogadishu
Friday, July 26, 2024
Home Aragtiyo Gabar laga afduubtay Muqdisho oo lagu qabtay Guriceel

Gabar laga afduubtay Muqdisho oo lagu qabtay Guriceel

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ay gacanta ku dhigeen gabar dhalinyaro aheyd oo laga afduubtay Muqdisho.

Hibo Maxamed Xasan, ayaa waxaa laga afduubtay Xaafadda Shantageed ee Degmada Hawlwadaag, kadib markii hooyadeed laamiga wax uga dirsatay.

Hibo ayaa tan & shalay la waysanaa, waxaana ugu dambeyn maanta barqadii lagu qabtay Koontaroolka Magaalada Guriceel laga galo.

Ciidamada Booliska Magaalada Guriceel ayaa gacanta ku haayo Hibo, waxaa la sheegayaa sidoo kale in gacanta lagu haayo qof dumar ah & nin rag oo la sheegay hibo inay wadeen.

Muddooyinkaan dambe waxaa soo badanaya kiisaska ku saabsan afduubka & Kufsiga ee loo gaysanaayo hablaha yar yar & kuwa qaan gaarka ah, iyadoo arrimahan aysan ka hadlin dowladda Somaliya.