Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika

Wararka ka Imaanaya  Wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu gaystay dalkaasi.

Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray.

Kooxaha weerarka geeysatay ayaa falka kadib goobta isga baxsaday.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankaas dhaawac ugu gaystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com