Godkii ugu dheeraa ee la isaga kala gooshi jiray Mexico iyo Mareykanka oo la helay(Sawiro).

California, Saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay heleen godkii ugu dheeraa ee la isaga kala gooshi jiray wadamada Mareykanka iyo Mexico.

Godkaan ayaa ahaa mid ay inta badan isticmaali jireen dadka daroogada ka kanacsada iyo waliba dadka tahriibayaasha ah.

Godka oo balaciisu lagu sheegay 4,309ft, wuxuu leeyahay Wiish, tareen, koronto iyo meelo loogu talagalay inay hawada kasoo gasho.

Saraakiisha Mareykanka ma aysan sheegin cida dhab ahaan ku tuhmayaan in godkaan qoday.

Xafiiska Wararka,Nairobi.

Info@aragticusub.com