Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Madax ka socotay Bankiga Aduunka(Sawiro).

Muqdisho,Wasiirka Ganacsiga iyo dalxiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Abdullahi Ali Hassan ayaa Maanta Kulan la qaatay Madax ka socotay Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay Horumarka dhanka Ganacsiga iyo waliba sida Banka aduunka gacan u siin lahaa Wasaarada Ganacsiga.

Wasiir Abdullahi Ali Hassan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Madaxda Bankiga Aduunka kaalinta muqata oo ay ka qaataan horumarinta SOomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codsaday Madaxda ka socotay Bankiga Aduunka in ay ka qeyb qaataan horumarinta dhanka ganacsiga ah oo ay wasaaradiisu u sameyneyso Ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxdii ka socotay Bankiga Aduunka ayaa balan qaaday in dowlada ka caawin doonaan sidii horumar ganacsi looga sameyn lahaa wadanka.

Daawo Sawirada kulanka dhex maray Wasiir Abdullahi Ali Hassan iyo Madaxda Bankiga Aduunka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com