Xaaf oo loo doortay Madaxweynaha aan dhicin ee Galmudug.

Gaalkacyo,Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug garabka ku sugan Gaalkacyo ayaa maanta doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeen.

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanada intooda badan ayay Gudoomiye baarlamaan u doorteen Xareed Cali xareed oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa u doortay Madaxweyne ku xigeen Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn isku raacay in xilka Madaxweyne sii heyn doono Ahmed ducaale Xaaf.

Xaaf ayaa sidaa ku noqon doona Madaxweynaha aan dhicin ee Galmudug kadib markii hore u sheegay in muda xileedkiisa uusan wali dhammaan.

Galmudug ayaa yeelatay waji cusub kadib markii laba madaxweyne la doortay,waxaana dhawaan la sugayaa madaxweyne sedexaad oo ay wadato Dowlada Federaalka.

Xafiiska Wararka,Gaalkacyo.

Info@aragticusub.com