Qaraxyo lala beegsaday kaamirooyinka ku xiran qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho.

Muqdisho, Qaraxyo xoogan ayaa saaka laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan ayaa ahaa miinooyin lala beegsaday kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muhiimka u ah isu socodka.

Kaamirooyinka saaka la qarxiyay ayaa ku xirnaa waddada kaliya ee dowladu sida aadka ah gacanta ugu heysa ee Makka Almukarama.

Goobta Qaraxyada ka dhaceen ayaa ah meel ay bar kontrol ku leeyihiin Ciidamada dowlada lamana oga sida arintaas suurta gal ku noqotay.

Dowladda ayaa ugu tala gashay kaamirooyinkan in lagu xakameyo dhaq dhaqaaqyada kooxaha Nabad diidka ah ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com