Imisa lacag ah ayaa ka soo xarootay musharaxiinta Xilka Maamulka Galmudug (Warbixin).

Dhuusa,mareeb, Musharaxiinta u tartamayay. Xilalka kala duwan ee Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo xarootay lacago aad u farabadan.

Musharaxiintii u tartamayay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenada ayaa la xaqiijiyay in ay ka soo xarootay lacag ku dhaw 50-kun oo doolar.

Ilaa todobo musharax ayaa isku taagay xilka Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen taas oo  Gudiga Doorashada shaaciyeen in lacagahaas lagu shubay Akoon gaar ah.

Sidoo kale ilaa sagaal musharax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug kuwaas oo iyana laga qaaday lacago ku dhaw 180-kun oo doolar.

Dad badan ayaa shaki ka qaba halka ay ku dambeyn doonaan lacagahaas.

ILaa iyo iminka lama xaqiijin karo lacagahaas in wali baaqi ku yihiin akoonada gudiga tilmaameen iyo waliba in loo isticmaalay doorashada shaqsiyaadka ay sida gaarka ah u wataan madaxda dowlada iyo Gudiga qaabilsan doorashooyinka Galmudug.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com