Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka oo xilka laga qaaday

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

‪Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliye Bariise xilkaas u  magacaabay Bishii October ee 2019ka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com