Goorma la soo xulayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Dawlad goboleedka Hir shabeele?

Guddiga soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle ee uu dhawaan magacaabay madaxweyna dowlad goboleedka hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray

 

magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.Xubnaha guddiga ayaa markiii ay gaareen jowhar waxaa kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka

 

Afhayeenka guddigaasi  Siyaad Maxamed Isaaq ayaa ka mahadceliyay soo dhaweeynta loo sameeyay waxaana uu sheegay in maalmahan soo socda ay soo saari doonaan JAWADWALKA

Habraaca ee soo xulista baarlamnaka 2-aad ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waree ayaa 29 bishii lasoo dhaafay ee Agoosto magacaabay guddigaan farsamada soo xulista barlamaanka labaad ee Hirshabeelle kuwaasi oo ka kooban 11 xubnood.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com