Maxaa looga Dooda yaa Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka maanta ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Maanta oo Isniin ah waxay ka doodayaan laba sharci oo muhiim ah, kuwaas oo horyaalla Golaha.

Dooda Maanta ayaa ah Akhrinta kowaad, hindise sharciyeedka dhismaha haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu  akhrinta kowaad marinayaa ee hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Guddoonka Golaha Shacabka ,  ayaa soo jeediyay in la dar dargaliyo howlaha horyaala Golaha maadaama ay dowladda ay u hartay mudda kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro sharciyada harsan ee  aan la horgeyn Golaha shacabka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com