Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo Warbixin gudbiyay

Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo, ayaa  kulan la qaatay salaadiinta, Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Gedo ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyay odayaasha dhaqanka safarkooda ay ku yimaadeen magaalada Kismaayo iyaga oo sidoo kale odayaasha uga warbixiyay waxyaabihii ay kuso arkeen magaalada Garbahaarrey.

Odayaasha dhaqanka oo uu hormuud u yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow ayaa guddiga uga warbixiyay xaaladda guud ee Jubbaland gaar ahaana xaaladda gobolka Gedo, Waxayna guddiga siyeen xogta iyo xaqiiqada rasmiga ah ee ay ka hayaan gobolka Gedo iyaga oo xusay in odayaashu intooda badan aysan tegi karin gobolka sababo amni la xiriirta.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com