Guddoomiye Cali Jeyte” Ma aqbaleyno in Maalin walba dadka la iska dilo”

Waxaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan lagu aasay Gudoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo xalay lagu dilay Beledweyne, waxaana Aaska ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Sar sare ee Mamulka Gobolka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa marka hore ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay Gudoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Cabdi (Cali Faarax Diir).

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin in Maalin walba si bareer ah loo dilo dadka haldoorka u ah bulshada, isaga oo farrriin u diray dhamaan Bulshada ku nool Magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka, waxaana ilaa iyo hadda jirin dad loo qabtay dilalkaas.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com