Puntland oo Go’aano kasoo saartay ka Ganacsiga waxyaabaha Maanka dooriyaha

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed ayaa sheegay in degaannada Puntland ay dhibaato ku hayaan ka Ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya amni darrada.

Wasiirka oo Warbahinta kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ay go’aano adag kasoo saartay ka Ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha khamriga oo degaannada Puntland aad ugu badan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonan cidkasta oo ka Ganacsatada ama isticmaasha maandooriyaha khamriga, waxaana uu Waalidiinta ku nool degaannada Puntland uu ugu baaqay inay ka warhayaan meesha ay ku maqan yihiin Carruurtooda.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed ayaa sheegay in laamaha amniga Puntland ay guud ahaan ka sifeyn doonan waxyaabaha maanka dooriya degaannada Puntland si amniga uu u hagaago.

Talisyada kala duwan ee Ciidamada Booliska Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay goob fagaaro ah ku gubeen khamri iyo xashiish farabadan, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo laga sameeyay Magaalooyinka Puntland.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com