Gudoomiye Cumar Finish oo Muqdisho kula kulmay madaxa shirkad ka shaqeeysa Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowlada hoose Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay MR Antti oo kamid ah madaxda Shirkada Forset Group oo ah shirkad Dowlada Filand u qaabilsan arimaha maareenta Amniga.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo wafdigaan ka socday Shirkada Forset Group ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowlda hoose ee Xamar oo ay kamid aheyd xarunta Taliska ciidanka ilaalinta deegaanka, xarunta Gaadiidka, Isbitaalka Laasaleeti iyo xarunta Aqalka dowlada Hoose si ay ugu kuurgalaan baahiyaha gaarka ah ee kajira goobahaasi.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com