Gudiga doorashooyinka Jubland oo manta qaabilay wafdi ka socda Qaramada midoobay

Gudigga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa maanta qaabilay wafdi ka socdey xafiiska Qaramada Miboobey ee Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Kismaayo waxaana hoggaaminayay Dr Magnus oo ah ninka ugu sarreeya xafiiska Jubbaland.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardar galinta howlaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan doorashada Aqalka hoose oo dhawaan ka bilaabanayso Jubbaland iyo sidii Gudigga Doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ay howlahooda shaqo u sii laba jibbaari lahaayeen.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com